Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u daah-furay munaasibadda lagu shaacinayo shaqaalaha cusub ee Dowladda, kuwaas oo buuxinaya boosaska shaqaalaha sannadka 2026-ka hawlgabka galaya.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Somaliland ay leeyihiin xaq sharci ah oo la xiriira mushaharkooda iyo xaqsiinta hawlgabka, iyadoo la raacayo xeerarka dalka u yaalla.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in nidaamka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha Dowladda uu yahay waajib dastuuri ah iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha muddada dheer u adeegayay Somaliland.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in hawlgabku uusan ahayn dhammaadka qiimaha iyo karaamada qofka qaranka u soo adeegay, balse uu yahay marxalad ay Dowladda ku gudanayso waajibaadkeeda ku aaddan daryeelka iyo xaqsiinta shaqaalaheeda.
Madaxweyne Cirro ayaa u mahadceliyay shaqaalaha gaaray da’da hawlgabka, isagoo ku ammaanay sannadihii ay u hureen adeegga Somaliland, wuxuuna Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dowladda ku bogaadiyay shaqada ay ka qabatay hirgelinta nidaamka hawlgabka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradaha, Hay’adaha Dowladda iyo laamaha kale ee Somaliland inay si buuxda ula shaqeeyaan Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dowladda.
