Dowladda Puntland ayaa si adag uga hadashay xaaladda amniga xeebaha, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay ku lug leedahay abaabulka kooxo burcad-badeed ah.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Farxaan Cali Xirsi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Puntland ay leedahay ciidan ku filan sugidda amniga dhulkeeda iyo baddeeda.
Wasiirka ayaa sheegay in aysan Puntland oggolaan doonin isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga xeebaha ama dhaqaale looga samaynayo falal burcad-badeednimo.
«“Puntland waxay leedahay ciidan ku filan sugidda amniga baddeeda iyo berrigeedaba. Idiinma suurogalayso inaad dhaqaale ka samaysaan burcad-badeed aad soo abaabusheen, waxaadna ugu fashilmaysaan sidaad ugu fashilmaysaan maleeshiyaadkii la soo af-jaray,” ayuu yiri Wasiir Farxaan Cali Xirsi.»
Eedeymaha Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay xoogga saareyso sugidda amniga xeebaha iyo ka hortagga falalka burcad-badeedda.
