Madaxweyne Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Ufeyn ee Gobolka Bari, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen maamulka degmada, waxgaradka iyo bulshada deegaanka.
Safarka Madaxweynaha, oo loogu magac daray “Safarka Guusha Calmiskaad iyo Adkeynta Amniga Gobolka Bari”, ayaa ujeedkiisu yahay qiimeynta xaaladda amni iyo tan guud ee deegaannada Gobolka Bari, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo bulshada.
Madaxweyne Deni ayaa inta uu booqashada ku guda jiro kulamo la yeelanaya masuuliyiinta, odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo dhageysanaya aragtidooda iyo baahiyaha ka jira deegaannada uu booqanayo.
Isagoo dadweynaha Ufeyn kula hadlay fagaare, Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay bulshada soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.
“Waxaan ku faraxsanahay in Safarka Guusha Calmiskaad iyo Adkeynta Amniga Gobolka Bari aan maanta kusoo gaarnay Degmada Ufeyn. Waxaan idiinka mahadcelinaynaa sida weyn ee aad noo soo dhoweyseen,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Safarka ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo amniga Gobolka Bari, lagu qiimeynayo xaaladda deegaannada iyo lagu adkeynayo xiriirka iyo wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada.
