Madaxweyne Deni oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari
XAAFuun, Puntland — 8 Sebtembar 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeyb qaateen soo dhaweynta.
Madaxweyne Deni oo fagaare kula hadlay shacabka degmada ayaa uga mahadceliyay bulshada Xaafuun soo dhaweynta iyo sida ay ugu soo baxeen.
Inta uu ku sugan yahay degmada, Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona mas’uuliyiinta degmada, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee deegaanka iyo arrimaha horumarinta.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah safar uu Madaxweynaha Puntland ku marayo deegaanno ka tirsan Gobolka Bari.
