Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib u soo celinta nidaamka caalamiga ah ee tigidhada diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u heshay 35 sano kaddib.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib u soo celinta nidaamkan ay ka dhalatay dadaallo muddo dheer socday, dib-u-habayn hay’adeed, diyaarinta xeerar iyo siyaasado, iyo tababarka shaqaalaha awoodda u leh maareynta adeegyada duulista rayidka.
Waxa uu xusay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, cafinta deynta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo la wareegista mas’uuliyadaha amniga qaranka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in isku-xirka hay’adaha dowladda iyo dib-u-dhiska awoodaha qaranku ay muhiim u yihiin soo kabashada dalka. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya leedahay fursado maalgashi oo dhinacyada gaadiidka, beeraha iyo wax-soo-saarka, iyadoo ay muhiim u tahay goobta istaraatiijiga ah ee ay kaga taallo isku-xirka qaaradaha dunida.

“Waxaa naga go’an in la sii horumariyo lana tayeeeyo hay’adaha qaranka. Waxaan hubaa in aynu gaari doonno dunida horumartay ee aynu dib uga harnay 30-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu bogaadiyey dadaallada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, isaga oo ku boorriyey inay dardargeliyaan horumarinta garoomada diyaaradaha, maamulka hawada dalka iyo tayeynta adeegyada duulimaadyada.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay kor u qaadista tayada adeegyada ay helaan shacabka iyo shirkadaha diyaaradaha, si loo xoojiyo isku-xirka Soomaaliya iyo caalamka.
