| Garoowe: --°C
[adinserter block="1"]

Taliska Booliska Puntland oo Qaadaya Tallaabooyin Cusub oo Lagu Xoojinayo Amniga.

Posted By

Abshir Ahmed

Posted On

September 1, 2026

Garoowe, 1 Sebtembar 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, ayaa Garoowe ku guddoomiyey shir looga hadlay xoojinta amniga, horumarinta adeegga Booliska iyo dardargelinta hawlaha Ciidanka Booliska Puntland.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliye-ku-xigeennada Booliska Puntland, hoggaannada ciidanka, taliyeyaasha qaybaha gobollada iyo madaxda waaxyaha iyo laamaha kala duwan ee Booliska.

Intii uu shirku socday, waxaa lagu falanqeeyey xaaladda guud ee amniga Puntland, hawlgallada ciidamada iyo warbixinno laga bixiyey xaaladaha amni ee gobollada.

Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray la-dagaallanka burcad-badeedda, sugidda amniga iyo ilaalinta xeebaha Puntland, iyadoo taliyeyaasha gobolladu ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan hawlgallada socda.

Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in mudnaanta la siinayo tayeynta ciidanka, horumarinta adeegga Booliska, xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshada, iyo xaqiijinta amni waara.

Taliyaha Booliska ayaa saraakiisha faray in la sii laba-jibbaareeyo dadaallada lagu horumarinayo adeegga Booliska, aqoonta, kartida, anshaxa iyo diyaar-garowga ciidamada.

[adinserter block="9"]
[adinserter block="10"]

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Warar La Xiriira