Garacad, 27 Agoosto 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan guud oo is-xogwareysi ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee deegaanka Garacad, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta nabadgelyada, la dagaallanka dambiyada ka dhaca badda iyo burcad-badeedda, iyo muhiimadda ay leedahay sii wadista dadaallada lagu horumarinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay horumarinta iyo maalgashiga mashaariicda horumarineed ee ka socda Garacad, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa fursadaha dhaqaale iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.
Madaxweyne Deni ayaa intii uu kulanku socday si toos ah uga dhageystay bulshada baahiyaha iyo arrimaha mudnaanta u leh deegaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax ka qabashada caqabadaha deegaanka.
Bulshada ayaa sidoo kale Madaxweynaha la wadaagtay saameynta ay abaaraha iyo bacaadku ku yeesheen Garacad iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo la tilmaamay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta arrimahaas.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada uu Madaxweynaha Puntland la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada inta uu safarka ku marayo Gobolka Mudug, kuwaas oo looga gol leeyahay is-xogwareysi, dhageysiga baahiyaha bulshada iyo ka wada-tashiga arrimaha amniga iyo horumarinta deegaanka.




