| Garoowe: --°C
Advertise with Puntland Times

Location: Header Banner - Desktop Only

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Doha Kulan Khaas ah Kula Yeeshay Mas’uuliyiin Qatari ah.

Posted By

Abshir Ahmed

Posted On

August 28, 2026

Doha, Qatar | 27 Agoosto 2026 — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali (Dhaay), ayaa xarunta Qatar Leadership Centre kulan gaar ah kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan xarunta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha dhismaha Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliyeed (National Academy of Somalia), iyadoo la filayo in dhawaan la kala saxiixdo Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu dardargelinayo hirgelinta mashruucan.

Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Daahir Guutaale, iyo La-taliyaha Sare ee Ra’iisul Wasaaraha, Dr. Axmednuur Uleex.

Advertise with Puntland Times

Location: Article Inside Post Square - Desktop/Mobile

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Qatar, waxaana uu la xiriiraa ajendaha dib-u-habaynta iyo isbeddelka qaran ee Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta awoodda hay’adaha dowladda iyo horumarinta hoggaaminta.

Dhismaha Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu door ka qaato kobcinta aqoonta, xirfadaha hoggaamineed iyo tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Advertise with Puntland Times

Location: Article After Post 1 Square - Desktop/Mobile

Advertise with Puntland Times

Location: Article After Post 2 Square - Desktop/Mobile

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Advertise with Puntland Times

Location: Sidebar Bottom Square - Desktop/Mobile

Warar La Xiriira